Omar Osman Rabeh: ses Idées, sa Vision

Saturday, April 11, 2009

Geesiga iyo geesiga soomaaliyeed


GEESIGA IYO GEESIGA SOOMAALIYEED


I. Geesigu, sidiisaba, waa :

1. Waa caqliga iyo cududda ummadda (qof cudud weyn oon calooladeyg lahayn waa loo cagajuglayn, waa la eryan oo la addoonsan. Kii cudud weyn ee caqligiisu kooban yahayna waa sidoo kale : meel lagaga soo wareego, oo sidii la doono lagaga yeelo la waayi maayo… Ummaduhuna waa la mid, geesi hadday waayaan, amase ay garan waayaan uu ka “gubto”…)
2. Waa waranka caaradiisa.
3. Waa ka ay ku miirmeen garaadka iyo geesinimada ummaddu.
4. Waa ka magaceeda Qaranka kor u qaada ee ku qora sambuuradda Taariikhda !....
5. Geesi la’aan, ummadi waa « gablan » !... waxay ku daamusta oo ay ku hadhaa « hidden face »-ka (« wajiga dahsoon » ee) nolosha (sida ka dayaxa, iftiinka ka sii jeeda).Ummadahaan Geesiyo u dhalanna lama yaqaan goor iyo goob ay ku noolaan jireen !... Wax mecna leh oo murti ahna lagama hayo… (Raad ma reebaan…)
6. Sidaas awgeedna, Taariikhduna waa taariikhda Geesiyada iyo xikmadda ma-guuraanka ah iyo mahadha-reebtada ay ku « xaradhaan » jiritaanka ummadaha iyo aadamaha…
7. Aragtida gaarka ah, Alla ku mannaystey, ee Geesigu waa sida « X-rays »-ka : wuxu sii arka waxa soo socda, waxaanu leeyahay dareenka waxa Waqtigu riman yahay… Wuxuu leeyahay aragtida « uur-jiifka » ; Waxaanu hodan ku yahay, hibo u leeyahay cilmiga nolosha iyo Taariikhda…
8. Waana ka awooda inuu isuminguuriya intiisa ugu wanaagsan iyo inta ugu fiican ee ummadeed... Waa ka himiladiisu ay tahay buuxinta iyo isaga-tallowga inta u dhexaysa « asfala saafliin-ka » iyo « axsanu taqwiim-ka » !… Waa ka dhisa « Kaabadda » isu xirta cirka iyo dhulka…
9. Waa “furahe”, furaha Taariikhda marka ay murugto. Waa ka lagu baxo kolka waddada noloshuna isa soo xirto ee xag loo ciirsada la waayo…


II. Hawlaha Geesigu waxa ay yihiin

1. Tumidda tayada iyo tamarta ummadda
2. Garaad-korinta iyo Dadnimo-dhammaystirka ummadda…
3. Sida pi-da xisaabta, sax uga dhigto natiijada, ayuu Geesiguna iftiin iyo sax uga soo saara xaaladda taariikheed ee ummadda marka ay mugdi gasho ee madoobaado dayaxa noloshu... Waa ka wax walba xaqiisa iyo xeerkiisa mariaya. Waa ka ah meel ay wax ka curtain, waxaanu arrimaha ku soo celiya udubdhexaadkooda… Waa ka Ujeeddada Sare ee Ummadda iyo mustaqbalkana isu xira.
4. Taariikhda Reer Benii Israa’iil waxa ay si fiican u muujinaysa (Qur’aan: II, 246-251) doorka Geesiga: siduu ummadda u badbaadiyo, aqoonteed u dhiso, garaadkeeda u koriyo u kobciyo, xeer iyo xukunka ugu dejiyo ee uu u baro xikmadda oo ah “xisaab” nololeedka la’aanbteed la jiri Karin; u dhaliyo isukalsoonida (self-control) dadka, geesinimada (heroism) iyo iimaanka (faith)
III. Saddexda nooc ee geesinimadu waxay kala yihiin:

1. Mid Xoreeye ah (Defendor) oo Dalka, Ummadda iyo Dowladnimada cadowga gudaha iyo dibedda ba ka daafaca.
2. Mid Nabadeeye (Peace-maker): ummadda isku irdhowdey colaadda ka saara, ka bogsiiya cudurrada ku dhaca caqliga iyo qalbiga, isu-kalsooni ku abuura, isu keena dadka oo dib u walaaleeya…
3. Iyo mid ah Dhise (Builder) oo Dal iyo dadnimo ba Qaranka kor u qaada, oo u fura hilimo sare oo la haybsado. Wuxuu u dejiya xeerar fiican, waxaanu ku barbaariya ummadda aragti ballaaran oo nolosha iyo Taariikhda ah isagoo bulshada si habsami ah ugu horseedaya horumar dhinac walba ah. Waxaana u kordha qof walba, naf iyo maal, wax aanu horey u qabi jirin, waxaasoo kor u qaada himiladiisa iyo noloshiisa…

Waxaana lagu magcaaba Geesiga noocyadiisa kala duwan: “Hero”, “Statesman”, “Prophet”, iwm…Taasoo lagu tarjumi karo: “Nimanka waaweyn” (Greatmen)


IV. NASIIBDARRADA GAARKA U AH GEESIGA SOOMAALIYEED

Muddo markuu dagaal ku soo jirey waxa ugu dambeyn ciil iyo caloolyow bada “dabarka” ku giijisan garaadka ummadda Soomaaliyeed; sidaas awgeedna waxa jira xuduudda uusan dhaafi karin, oo ay ku dhigan yihiin: “Qolo”. “Qolama?” “Qolamaad tahay?...”

1. Qabiil waa garaad-dabare!...
Qabiiltinimadu caqliga qofka way qodobta oo xudduud uusan fahamkiisu dhaafi Karin bay u dhigtaa! …
Qabiileystuhuna ma kasi karo “xuduuddaas” wax ka shisheeya: nolo, Ilaah iyo arrin adduun!... Hase yeeshee, “Aadane” (human being) mecnihiisu waxa weeye: “kore”(weynaade), “horey-iyo-kor-u-socde”, “karti, aqoon iyo aragti-urursade…” Maxaa wacay, Taariikhdu xagga hore xuduud kuma leh... Ummaddii tareenkaa Taariikhda ka degtaa way dayowdaa; dulli, dumis iyo dabargo’ uun baa u dambeeya …
Wuxuu Ilahay Geesiyada iyo inta garaadka badan ummadaha ugu deeqay inay dhegaystaan oo indhala’aa-dhegali’i boholaha ku dhicin.

2. “Xuduuddaasi” waa “Gidaarka mecnaha” Aragtida reerguuraanimadu (oo qabiiltinimadu qayb ka tahayna) ma dhaafi karto… Sidaas awgeed, “gidaarkaasi” waa halka Geesiga Soomaaliyeed iyo plan-kiisu ku burburaan!... Halkaaasaanay “Cyclopes”-ka qabaa’ilku isugu qabtaan, ku budeeyaan, bakhtigiisana kaga kacaan!...

3. Kolkuu Geesigu soo baxo, Qaran u soo baxo, qolada uu ka dhashay waxay isu dayaan inay soo qabtaan, baadadka qarannimo ka gooyaan, dib u “qabiileeyaan”, iyago ku heesaya “Annaga weeye!... Annaga weeye!...”, markaasay qabaa’ilkii kale, ee u caqli iyo ciidan ka rajeynayey ayaguna kala horyimaadaan dagaal iyo dhagax iyagoo kuwii hore, heesta kala roganayeen, ugu jawaabaya: “Annaga maaha!... Annaga maaha!...” Celiyaay!... Dhinac walba!... Dhan walba!...

3. Ugu dambeyn, Geesiga Soomaaliyeed markuu muddo dheer qodayey “Ceelkii nolosha” ee 20 shubka ahaa, ee u rayskii gaaro rayn-raynna u dhow yahay, ayuu si lama-filaan ah ula kulmaa sallax yaableh ballaadh iyo weyni, uusan meesha ka filayn, qalabna u sidan, waqtina u hayn!... Isagoo xaalkiisu sidaas yahay, oo ceelka guntiisii feker iyo amakaag la dhaygaga baa kuwii uu ceelka qodaayey ee aan kor ku soo sheegnay, ku dumiyaan oo ay ku asaan isagoo ku calaacalaya:

“Maxaad igaga digataan…
Waxaad iga dambeysaan ba waa deyrta manta ehe!...”



Murti

Soomaali, mashkaladdeedu waa nafteeda. Waxay u baahan tahay dib in loo sawiro design-ka nafteeda!?!… Yaa ka fekeray? Yaa sameyn kara?...


Cumar Cusman Rabeh